Ciidanka PSf-ta Puntland oo sheegay inay dileen xubno katirsan Al-shabab

Ciidanka nabad sugida Puntland ee (PSF) ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka fuliyay Buuraha Cal-Madow ee Gobolka Bari.

Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in howlgalka intii uu socday ay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ku gaarsiiyeen xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa deegaano ka tirsan Buuraha Cal-Madow ee Gobolka Bari.

Howlgalkaan ayaa kusoo beegmaya iyadoo walaac xoogan laga qabo warbixin cusub oo sheegaysa inay sii kordhayaan tirada maleyshiyaadka Daacish iyo Shabaab ee ku dhuumaalaysanaya dhulka buuralayda ee Puntland.

Wargeyska caalamiga ah ee la yiraahdo longwarjournal ayaa lagu daabacay sawirro muujinayay xubno katirsan Daacish oo tababar milatari ku qaadanaya dhul qarar ah oo kuyaala koonfurta magaalada Bosaso.

Inkastoo Shabaab iyo Daacish laftoodu ku dagaalamayaan awooda iyo saameynta uu mid waliba ku leeyahay gudaha Puntland hadana waxay ka midaysan yihiin dagaalka ay kula jiraan dowladda Puntland.

Warbixinta laga qoray Daacish waxay ka digaysaa halista Puntland kagasoo wajahan is arursiga kooxahaan oo ka faa’idaysanaya habac sanaanta amni ee ka jirta gobolka Bari, inkastoo beryahaan tilaabooyin la qaaday.

Puntland Post