Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir u fasaxday deeq lacageed oo ka timid Midowga Yurub

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dowlad goboleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir waxay u fasaxday lacag dhan $ 6 malyan oo Dollar taasi oo ka timid deeqaha lacageed ee Midowga Yurub uu siiyo Soomaaliya.

Qoraal uu ku saxiixanyahay wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo soo baxay laba maalmood kadib Shirkii Addis Ababa balse hadda ay warbaahintu heshay ayaa lagu caddeeyay in lacagtani ay tahay qoondadii dowlad goboleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir ay ka heleen deeqaha-lacageed ee Midowga Yurub siiyo Soomaaliya.

Deeqda Miisaaaniyad-kabidda ee Midowga yurub bixiyo oo cadadkeedu dhanyahay $15 malyan oo Dollar ayaa sida qoraalka ku xusan waxaa dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir looga qoondeeyay %40 oo u dhiganta $6 malyan oo Dollar waxaana dowlad goboleed kasta loo diray min hal malyan (1-million).

Hoos ka akhriso qoraalka Wasiirka

PUNTLAND POST