Madaxweyne Deni oo gudoodi kaga baxay Garowe

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iyo wafdi uu hogaamniyao ayaa xalay gudoodi kaga baxay caasimadda Garowe.

Madaxweyne Deni ayaa xalay saxdii dhere safar ugu ambabaxay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, wuxuuna halkaas gaaray saaka arooryadii.

Madaxweyne Deni ayaa magaalada Boosaaso kula kulmi doona wadfi ka socda Imaaraadka, oo halkaas soo gaari doona, waxayna kawada hadli doonaan arrimo ay kamid yihiin dhismaha dekedda Boosaaso iyo amniga.

Waa safarkii labaad oo Madaxweyne Deni ku tago magaalada Boosaaso tan iyo intii la doortay.

PUNTLAND POST