Shaqaale ay Somaliland soo cayrisay oo shaqa ka helay Garoonka Diyaaradaha Garoowe

Wasiirka wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada dowladda Puntland, Xuseen Cismaan Lugatoor (Gabiley) oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa magaalada Garoowe, ayaa shaaciyay in Garoonka Diyaaradaha Garoowe loo soo wareejiyay Shaqaale ka tirsanaa hay’adda Qaramada Midoobay ee ICAO oo ka hawl-geli jiray Garoonka Diyaaradaha magaalada Hargeysa, kadib markii Somaliland ay soo cayrisay shaqaalahaasi.

Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland ay shaqada ka joojisay dhammaan shaqaalihii ka tirsanaa hay’adda ICAO ee ka hawl-geli jiray Garoonka Diyaaradaha magaalada Hargeysa, kadib markii hay’addu ay maamulka Hawada Soomaaaliya ku wareejisay dowladda Federaalka. ICAO ayaa Hawada Soomaaliya soo maamulaysay mudadii uu burburka, balse waxay si rasmiya dowladda Soomaaliya ugu wareejisay 28-December-2017.

Mudane Gabiley ayaa sheegay in Garoonka Diyaaradaha magaalada Garoowe laga shaqa-geliyay sagaal qof oo ka tirsan Shaqaalihii hay’adda ICAO, kuwaasi oo todoba kamid ah ay yihiin kuwii ka hawl-geli jiray Garoonka Diyaaradaha Hargeysa ee Somaliland shaqada ka cayrisay, halka labada kalena laga soo beddelay Garoonka Boosaaso.

Waxa kale oo uu sheegay in shaqaalaha ka yimid Garoonka Hargeysa ee Garoowe ka shaqa-bilaabay ay saddex kamid ah Puntland u dhasheen, labana ay Muqdisho ka soo jeedan , halka labada kalena ay reer Somaliland yihiin.

Halkaan ka daawo wasiirka oo arrima kalena ka hadlaya

PUNTLAND POST