Maraykanka iyo dalalka Khaliijka Carbeed oo isbahaysi u samaysanaya dagaalka Iiraan

Dowladda Mareykanka ayaa xoojinaysa ololeheeda ku aadan sidii ay u heli lahayd wadiiqo u sahlaysa duulaan lagu qaado dalkaasi Iiraan,iyadoo Washington ay raadinayso dowlado ay la kaashato weerarkaasi.
Madaxweynaha Mareykanka Donalda Jey Trump ayaa wada dadaalo uu wadamada Khaliijka uu kaga dhaadhicinayo in ay qeyb ka noqdaan isxulufeysiga ka dhanka ah dalka Iiraan,oo ah wadan dagaal siyaasadeed oo soo jireen ah kala dhexeeyo Mareykanka.

Mr Trump wuxuu amray xoojinta cunnaqabateynta dhaqaale ee Tehran saaran, iyo sii adkeynta “cadaadiska xoogga leh” ee ka dhanka ah Iiraan taas oo Mareykanka uu ku adkeysanayo in saameyn weyn ay ku yeelatay dalkaas.

Mareykanka iyo Sucuudiga ayaa Iiraan ku eedeeyey in ay ka dambeyso weerarada dhanka cirka ah oo lagu beegsanayo ceelasha shidaalka ee dalkaasi,taasi oo madaxweyne Trumo uu doonayo in uu mar marsiyo uga dhigto weerar lagu qaado Iiraan iyo in ay khatar ku tahay isticmaalka marin Biyoodka Hormuz oo ah marin Biyood dhaca mandiqadda Khaliijka,ahna meel istratiijiyada u ah maraakiibta ganacsi ee Shidaalka isaga kala goosha Caalamka.

Dowladda Iiraan oo ka kajawaabaysa dhaq dhaqaaqa Washington ayaa iska fogaysay eedeymaha loo soo jeediyay,waxaana ay sheegtay in ay iska difaacayso gar daro kasta oo kaga timaado Mareykanka iyo xulufadiisa.

Xiisadaha Mareykanak iyo Iiraan oo salka ku haya barnaamijkeeda Nuclearka ah ayaa muddo soo jiitamayay,waxaana Iiraan ay xulufo la leedahay wadamo ka soo horjeeda siyaasadda Mareykanka,sida Turkiga iyo Dalka Ruushka.

PUNTLAND POST