Qarax lala eegtay injineero Turkish ah oo dhisa wada Muqdisho iyo Afgooye

Gaarigii lala eegtay qaraxa

Waxaa maanta duleedka magaalada Muqdsiho, gaar ahaan aaga Jaamacada Shabeelle ka dhacay qarax khasaaro geystay.

Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa lala eegtay gaari HILUX ah oo ay saarnaayen injineero Turkish ah oo dhisayay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, waxaana la soo warinayaa in uu dhaawacmay mid ka mid ah injineerada Turkiga iyo labo ka mid ah ciidamadii ilaalada ahaa.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, waxaana la sheegay inay halkaasi ka sameeyeen howlgallo dad lagu qab-qabtay, iyadoo muddo uu hakad galay isku socodka gaadiidka Muqdisho iyo Afgooye, mana jirto ilaa iyo hadda cid ka hadshay qaraxaas.

In badan wadada isku xirta Muqdsho iyo Afgooye waxaa ka dhacay qaraxyo kuwa dhulka lagu aaso ah oo geystay khsaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dhismaha wadada isku xirta Muqdisho, Afgooye iyo jowhar, waxaa maalgalinaysa dowladda Qadar, waxaana dhismaheeda qaatay shirkad Turkish ah, sanadkii hore ayaana waxaa daah-furay Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Bishii February ee sanadkan ayay ahayd markii ku dhawaad Toban qof  oo ka mid ahaa dadkii laan-goynayay wadadaas lagu dilay deegaanka Lafoole oo u dhaxeeyo Muqdisho iyo Afgooye.

Al-shabaab oo maamusha meelo badan oo wadadaasi marto ayaa horey uga digay dhismaheeda.

PUNTLAND POST