Madaxweyne Trump oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Soomaaliya ee Maraykanka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaysay aqabaaladda waraaqaha aqoonsiga ee uu Madaxweynaha Mareykanka Mudane Donald J. Trump kaga guddoomay Aqalka Cad safiirka cusub ee Soomaaliya ee Washington Cali Shariif.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in ay Mareykanka u aragto isbahaysi adag iyo saaxiib kaalin mug leh ka qaadanaya horumarka iyo hurosocodnimada dalka Soomaaliya.

Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiyi doona Washington ayaa sida Villa Somalia sheegtay wuxuu hore usoo noqday Danjiraha dalalka Faransiiska, Itoobiya. Wuxuu sidoo kale ahaa Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan Midowga Afrika iyo Golaha Dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee Afrika (UNECA).

Sidoo kale Danjire Axmed wuxuu soo noqday maamule sare, ganacsade iyo la-taliye shirkado iyo hay’ado caalami ah. Danjirihu wuxuu Shahaadada 2-aad ka qaatay Jaamacadda Sussex ee dalka Ingiriiska, halka uu shahaada 1-aad uu ka qaatay Jaamacadda London Metropolitan ee isla dalkaas isaga oo ku takhasusay Culuumta Siyaasad-dagaleedka (Geopolitics) iyo Istiraatiijiyadda iyo sidoo kale Daraasaadka Nabadda iyo Khilaafaadka sida ay u kala horreeyaan.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in ay ku kalsoontahay in safiir Axmed uu u gudan doono waajibaadkiisa shaqo sidii uu usii xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo fursadaha casriga ah ay labada dhinac ka wada faa’iideysan karaan.

PUNTLAND POST