Madaxweynaha Puntland oo daah-furay wejiga labaad ee Dhismaha Dekadda Garacad

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta booqasho ku tegay magaaladda Garacad ee Gobolka Mudug.

Garoonka Diyaaradaha ee Garacad waxaa Madaxweyne Deni iyo Wafdigiisa ku soo dhoweeyay Maamulka Gobolka Mudug, Kan Degmada Garacad iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ugu horeyn kormeeray Qalabka iyo Warshada diyaarinaysa Dhagaxa iyo Ciida lagu dhisayo Dekadda Garacad, kadibna wuxuu Madaxweynuhu u gudbay halka laga dhisayo Dekadda oo uu kaga qeybgalay Xafladda daahfurka wejiga labaad ee dhismaha Dekadda Garacad.

Wuxuu Madaxweyne Deni sheegay in Dhismaha Dekadda Garacad muhim u tahay Puntland, isagoo bogaadiyay Ganacsatada isu taagtay iyo dhammaan cidkasto ka qeyb qaadatay inuu hirgelinta Mashruucaan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa ugu danbeyn si rasmi ah u Daah-furay Wejiga labaad ee Dhismaha Dekadda Garacad, Isagoo dhagaxii ugu horeeyay dhigay Badda meesha laga billaabayo dhismaha. Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ahaa Xubno ka tirsan labada Gole, Maalgashadayaal ka socda Wadamo kala duwan, Qunsuliyadda Itoobiya ee Puntland iyo xubno kale.

Hoos ka daawo muuqaalka iyo sawirada

PUNTLAND POST