Guddiga doorashooyinka Puntland iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya oo kulmay

Safiir Martinez iyo Guddoomiye Guuleed Saalax

Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez ayaa maanta xafiiskooda magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland kula kulmay guddiga cusub ee doorashooyinka Puntland.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa kulankiisan u horreeyay ee uu la yeeshay guddiga doorashooyinka Puntland wuxuu kaga dhegaystay warbixin la xiriirta qorshayaashooda ku aaddan hirgelinta doorashooyinka xisbiyada badan ee Puntland.

Af-hayeenka guddiga Cabdinuur Sheekh Maxamed Isxaaq oo markii kulankaasi soo dhammaaday saxaafadda u faahfaahiyay ayaa sheegay in guddigu ay safiirka u soo bandhigeen qorshaha ay doonayaan in ay ku hawlgalaan maadaama ay dhowaan xilka la wareegeen oo weli hawlahoodu bilow yihiin.

Sidoo kale wuxuu sheegay in guddoomiyaha guddiga Guuleed Saalax Barre uu safiirka warbixin ka siiyay sida ay ku socdan hawlaha guddiga cusub ee doorashooyinka Puntland iyo sida ay uga go’antahay hirgelinta barnaamijka loo igmaday ee doorashooyinka xisbiyada badan ee Puntland.

Af-hayeenka ayaa dhinaca kale tilmaamay in safiirka Midowga Yurub uu si fiican ugu riyaaqay warbixinta guddiga islamarkaana uu ballan-qaaday in Midowga Yurub uu taageerayo buuxda siin doono guddiga doorashooyinka Puntland si ay u taabba-geliyaan hawlaha horyaalla.

Halkaan hoose ka daawo muuqaalka iyo sawirro

PUNTLAND POST