Madaxweyne Biixi oo sheegay in aysan Somaliland ka bixin heshiiskii Imaaraadka saldhiga militari looga siiyay Berbera

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta hadal ka jeediyay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa sheegay in aysan Somaliland ka bixin heshiiskii saldhiga militari ee Berbera laga siiyay dowladda Imaaraadka Carabta.

Waa dhowaysto oo dhexdaas ahayd waxaanu is aragnay Qolada Abu-Dubai waa innagii Air-siinay (Air Base) ciimada ah. Si wacan bay u dhiseen wuu dhanyahay heshiiskii aynnu la galnay ee 25-ka ahaana waa sidii sii wax iskama beddelin” ayuu yiri madaxweynaha Somaliland.

Sidoo kale madaxweynaha Somaliland wuxuu sheegay in garoonka diyaaradaha magaalada Berbera looga maarmi waayay in loo wada-isticmaalo shicib iyo militariba si markii ciidan loogu baahdana loo adeegsado markii duullimyaadyo rayid ah loo baahdana loogu isticmaalo.

Adduunkoo dhan ciidamada iyo shicibku way wada-isticmaalaan garoomada markaa lagama maarmaan ayey noqotay in garoonkii garoonkii loo isticmaalo Civil ahaan iyo diyaaradaha madaniga ah uu noqdo International airport islamarkaana markii ciidamadu u baahdaan isticmaalan” ayuu sii raaciyay madaxweyne Biixi.

Dhinaca kale madaxweyne Biixi mar uu shalay oo booqasho ku tegay magaala-xeebeedda Berbera ayuu halkaasi ka shaaciyay in garoonka diyaaradaha Berbera uu noqon doono mid shicib islamarkaana laga wareejiyay saldigii militari ee Imaaraatka Carabta.

Hoos ka daawo khudbaddiisa oo dhan

PUNTLAND POST