Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo khudbad ka jeediyay shirka Maalgashiga Puntland ee maanta Garoowe ka furmay ayaa sheegay in Puntland ay ka jirto xasilooni iyo nabad sahlaysa horumarinta ganacsiga iyo maalgashida si loo hiigsado koboc dhaqaale.
“Waa arrin bogaadin iyo amaanba mudan in Hoggaanka Dowladda Puntland garowsado xilligan in ay haboon tahay in la yagleelo himilada la xiriirta horumarinta ganacsiga si loo hiigsado koboc dhaqaale oo waara. Waxaa sidoo kale xusid mudan in hada Dowladdu diyaar u tahay xoojinta maalgashiga gudaha iyo dibeddaba maadaama ay wax ka qabatay waxyaabaha soo jiidan kara maalgashiga, sida xasiloonada ay Puntland ku naaloonaysey mudo ka badan 21 sano iyo abuurida jawi sahli kara horumarinta ganacsiga si loo tiigsado kobcinta dhaqaalaha” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland.
Hoos ka daawo khudbadda madaxweyne ku xigeenka
PUNTLAND POST