Al-shabaab oo sheegtay in ay 14 askari oo ka tirsan AMISOM ku dishay duleedka Balcad

Wararka ka imaanaya degaanka Gololey oo qiyaastii 7KM dhanka waqooyi kaga beegan degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee shalay halkaasi uu dagaal culus ku dhexmaray ciidamada AMISOM iyo malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo weerar ku soo qaaday.

Dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab ayaa la sheegay in ay weerar gaadmo ah ku qaadeen ciidanka Burundi ee ku hawlgala magaca AMISOM xilli ay marayeen tuuladaasi Gololey ee hoostagta degmada Balcad iyadoo halkaasi uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Al-shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in dagaalkaasi ay ku dishay ilaa 14 askari oo ka tirsan ciidanka AMISOM ee Burundi islamarkaana ay ku dhaawacday 8 askari oo kale inkastoo aysan jirin cid si madax-bannaan u xaqiijisay sheegashada Al-shabaab.

Dhinaca kale ciidamada AMISOM ayaan weli wax war ah ka soo saarin khasaaraha ka dhashay dagaalka halkaasi ku dhexmaray iyaga iyo Al-shabaab.

PUNTLAND POST