Mas’uuliyiin katirsan Hirshabeelle oo qarax lagula beegsaday duleedka Bal-cad.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax nooca dhulka lagu aaso ah oo masuuliyiin katirsan maamulka Hirshabeelle lagula beegsaday duleedka degmada Bal-cad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Qaraxaan ayaa waxaa lala beegsaday kolanyo gaadiid ah oo uu watey guddoomiye ku-xigeenka dhanka maamulka iyo maaliyadda gobolka Shabeellaha dhexe Mudane Cabdullaahi Shitaawe.

Inta la xaqiijiyey saddex ruux ayaa u geeriyoodey qaraxaasi waxaana kamid ahaa wasiirkii hore ee ganacsiga Hirshabeelle Sabriye iyo Xasan Axmed Cosoble oo ka mid ahaa Shaqaallaha Hay’addaha Gargaarka.

Ciidanka dowladda Soomaaliya oo kaashanaya AMISOM ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey howlgallo kawadey deegaamo katirsan labada Shabeelle.

PUNTLANDPOST