Ciidanka ammaanka iyo ardayda Boosaaso oo kawada shaqaynaya sugidda amniga.

Taliska ciidanka booliska gobolka Bari iyo ardayda wax ka barata dugsiyada sare ee magaalada Boosaaso ayaa kawada shaqaynaya sugidda ammaanka magaalada.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Bare gaashaanle sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay inay ka go’antahay dhexgalka bulshada si ay u ogaadaan dareenkooda una dareensiiyaan inay iyaga u shaqaynayaan.

Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud, waxa uu caddeeyey in xafiiskiisu uu marwalba u furan yahay ardayda iyo dhammaan shacabka gobolka dadweynahana looga baahan yahay inay kaalin muuqata ka qaaday sugidda ammaanka.

DHEGAYSO

Ammaanka magaalada Boosaaso ayaa soo hagaagayey tan iyo dilkii loogu geystey maareeyihii shirkadda DP World ee dekedda Boosaaso Paul Formosa.

PUNTLANDPOST