Wasaaradda amniga iyo DDR-ta ee dowladda Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay bilowday qorshe lagu tayeynayo dhammaan ciidamada kala duwan ee Puntland.
Wasiirka wasaaradda amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan oo warbixin siinayey shirka golaha xukuumadda ayaa sheegay in qorshaha tayeynta ciidamadu uu ka socdo dhammaan gobolada Puntland ay ka kooban tahay si loo helo ciidamo tiro ahaan iyo tayo ahaan ku filan Puntland.
Wasaaraddu waxa ay sheegtay in hadda qorshaha tayeynta wajigiisa 1aad uu ku socdo ciidamada ilaalada waddooyinka Puntland ee Taraafikada, ilaalada mas’uuliyiinta dowladda iyo xarumaha ganacsiga iyo dowladda.
AKRHISO
PUNTLANDPOST
You must be logged in to post a comment.