Taliska ciidanka booliska Puntland oo awaamiir ka soo saaray ammaanka Garoowe.

Taliska guud ee ciidamada booliska dowladda Puntland ayaa awaamiir ka soo saaray ammaanka guud ee deegaamada Puntland gaar ahaan magaalada Garoowe.

Taliyaha guud ee ciidanka booliska Puntland Sarreeye Gaas Muxuyadiin Axmed Muuse oo warbaahinta la hadlay ayaa digniin culus ka soo saaray dadka qoryaha ku dhex wata magaalooyinka, isagoona sheegay in ciddii qori magaalada kun dhex wadata lagala wareegi doono.

Muxuyadiin Axmed Muuse, wuxuu ciidanka amar ku siiyey inay qoryaha ka qaadaan askarta aan howlgallada kujirin ee hubka la dhex qaada magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Dhanka kalena, taliska ciidanka Puntland ayaa mam noocay in qaadka lagu iibiyo qaar kamid ah wadddooyinka hal-bowlaha u ah magaalada Garoowe si loo ilaaliyo ammaanka iyo bilicda caasimadda.

“Laga bilaabo 11-ka bisha September magaalada laga bilaabo barlamaanka ilaa Rugsan, ilaa dhinaca kale u leexo Wadada Meeraysane (Dr Jimcaale) ilaa jidka Sodonka intaa qaad laguma qadi karo marfashna lagama samayn karo, cid walba oo halkaa wax u yaaliin waa inay ka qaadataa waayo waxaa ka timid amni xumo”, ayuu yiri Sarreeye Gaas Muxuyadiin Axmed Muuse.

Taliyaha ayaa digniin u diray waalidiinta dhalay dhalinyarada caadaystey inay falalka ammaan xumo ka geystaan magaalada Garoowe, isagoona ugu baaqay inay qabsadaan haddii kale aysan hadhaw ka aqbali doonin inay xabsiyada uga daba yimaadaan.

DHEGAYSO

PUNTLANDPOST