Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland oo shaaciyey shuruudihii lagu xiray siideynta wasiir Janan.

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubaland, Maxamuud Sayid Aadan oo waraysi gaar ah siinayey laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in lagu xiray shuruudo lagu burburinayo Jubbaland.

Dadkii aan dirnay shuruud ayay ku xireen, waxayna ku yiraahdeen arrimo siyaasadeed ayaanu ku heysanaa ee ciidanka daraawiishta Jubaland soo wareejiya,dowladaha deriska ha la macaamilina, Jubaland doorashadeedi ma aqoonsanin dhaha, arrimo sidaas ayay kala hadleen dadkii aqoonyahanada iyo ganacsatada ee u tegay “, ayuu yiri Maxamuud Sayid.

Waxa uu sheegay inaysan aqbali doonin in lakala diro ciidankii Jubbaland ee dalkooda hal-ganka dheer u soo galay, isagoona caddeeyey inaysan ogeyn xaaladdiisa iyo halka uu hadda ku sugan yahay wasiir Janan.

Runtii Cabdirashii aad ban uga xunahay sida loola dhaqmay, ninkaas waa la afduubay, wax arkay ma jiraan marka laga reebo xaaskiisa oo mudo 30 daqiiqa ah habeen saqdhexe ay tuseen”,ayuu raaciyay.

PUNTLANDPOST