Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaarey Xudur.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafti uu hogaaminayo ayaa gaarey magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Waftigaan uu hogaaminayo madaxweeynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa horudhac u ah Wafdi uu Hogaaminaayo Ra”isul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Kheyre oo la filayo in daqiiqadaha oo socda uu gaaro degmada Xudur.

Boqolaal shacab ah ayaa ku sugan garoonka diyaaradaha magaalada Xudur si ay qayb uga noqdaan soo dhoweynta ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.