Taliyaha qeybta 9-aad ee ciidanka Daraawiishta Puntland oo u jawaabay Abbaan-duulaha ciidamada Somaliland

Sarreeye Guuto Cabdullaahi Cumar Canshuur

Taliyaha qeybta 9-aad ee ciidanka Daraawiishta Puntland Sarreeye Guuto Cabdullaahi Cumar Canshuur oo warbaahinta kula hadlay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeeray Abbaan-duulaha ciidamada Somaliland kaasi oo ku hanjabay in Somaliland ay dib u qabsan doonto magaalada Badhan iyo degaannada kale ee gacanta u galay Puntland.

Taliye Canshuur ayaa Abbaan-duulaha ciidamada Somaliland ku tilmaamay mid dulmane u ah saraakiil ka soo jeedda magaalada Hargeysa oo sida uu xusay cabsi-gelin iyo xoog wax ugu yeeriya maadaama isagu uu yahay nin reer Awdal ah balse aysan niyad ka ahayn hanjabaaddiisa ku aaddan Badhan.

Gen Canshuur ayaa sidoo kale sheegay in degmada Badhan dadkii lahaa ay Somaliland ka eryeen islamarkaana aysan dib dambe u soo hawaysan karin maadaama raggii u dhashay ay heegan u yihiin in ay difaacan.

Halkaan hoose ka daawo hadalka taliye Canshuur

PUNTLAND POST