Puntland oo sheegtay in ay qabatay xubno ka tirsan Al-shabaab oo qirtay in ay is-bahaysi la yihiin Somaliland

Taliyaha guud ee ciidamada Difaaca dowladda Puntland Sarreeye Gaas yaasiin Cumar Dheere oo saaka wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Puntland Post ayaa si faahfaahsan uga warbixiyay socdaal uu maalmihii la soo dhaafay ku soo maray talisyada kala duwan ee ciidamada Puntland ku leeyihiin gobolka Sanaag iyo buuraleyda Calmadow ee gobolka Bari.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamo yar oo Somaliland kaga harsanaa degmooyinka Badhan iyo Dhahar ay diyaar u yihiin in ay ka soo baxaan kadib markii ciidamo badan oo Somaliland hore uga tirsanaa oo halkaasi ku sugnaa ay dhammaan ka soo ku soo wareegeen dhinaca Puntland.

Gobollada Badhan iyo Hayland u malayn maayo in askari ciidamada gobolladaasi waqooyi ku jiray uu hambaynaayo kulli waa soo galayaan” ayuu yiri Gen yaasiin Cumar Dheere

Dhinaca kale taliyaha ayaa ku celiyay eedayn culus oo uu dhowaan u jeediyay Somaliland oo ahayd in ay Al-shabaab is-bahaysi la’ yihiin waxaana uu tilmaamay in xubno ka tirsan Al-shabaab oo la qabtay ay qirteen in ay Somaliland is-bahaysi la yihiin.

Wuxuu intaasi raaciyay in kadib markii la wareystay xubnaha Al-shabaab ee Puntland qabatay ay sheegeen in ay saad iyo taakulo ay ka keeneen Somaliland ay u wadeen Shabaabka Galgala ku sugan.

Hoos ka daawo wareysiga oo dhan

PUNTLAND POST