Xukuumadda Soomaaliya oo shaacisay in ardayda Puntland ay heli doonan shahaadada heer Federaal

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ardayda reer Puntland ee soo dhammaysay dugisyada sare ay heli doonaan Shahaadada heer Federaal oo uu horay uga xannibay wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Xil. Sadiiq Xirsi Warfaa oo ay weheliyaan xubno ka tirsan xildhibaannada Baarlamanka Soomaaliya ee laga soo doorto degaannada Puntland oo shalay wasiir goodax kala hadlay Shahaadada ardayda Puntland ayaa xaqiijiyay in is-faham laga gaaray hawshaasi.

Sidoo kale wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre ayaa qoraal uu xalay soo dhigay bartiisa Facebook ku shaaciyay in ardayda reer Puntland ay heli doonaan shahaadada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mr Goodax ayaa hore ardayda Puntland uga xannibay shahaadada heer Federaal kadib markii dowladda Puntland ay diidday in ay qeyb ka noqoto imtixaanka Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya maadaama ardayda Puntland iyo kuwa koonfurtu aysan casharro midaysan iyo hal manhaj wax ku wada-baran.

PUNTLAND POST