Wasaaradda waxbarashada Puntland oo xustay maalinta Akhris-Qorista Adduunka

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowladda Puntland, ayaa maanta magaalada Garoowe ku qabatay munaasabad lagu xusayey maalinta Akhris-Qorista Adduunka oo sannad kasta dunida laga xuso 8-da September.

Munaasabaddan lagu xusayey maalinta Akhris-Qorista Adduunka oo ka dhacday xarunta wasaaradda Wasaaradda Waxbarashada ee magaaalada Garoowe, ayaa waxa ka soo qeyb-galay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda oo uu hoggaaminayo agaasimaha guud Maxamed Cali Faarax, aqoonyahanno, maamulayaal, macallimiin, arday iyo qeybaha kale ee bulshada.

Munaasabadda waxaa lagu soo bandhigay suugaan iyo riwaayado bulshada ku waaninaya, Akhris-Qorista, islamarkaana iftiiminaya faa’idooyinka ballaaran ee Akhris-Qorista iyo waxbarashadu u leedahay guud ahaan bulshada gaar ahaanna da’yarta.

Agaasimaha Waaxda Waxbarashada Dadban, Malyuunn Timajilic oo faahfaahin ka bixisay heerka Waxbarashada Dadban ee Puntland, ayaa halkaasi ka sheegtay in wasaaradda Waxbarashada Puntland ay tan iyo aas’aaskii dowladda Puntland soo wadday ol’ole lagu cirib-tirayo Akhris-Qorista la’aanta, haddana ay xoojinayso barnaamijkaasi waxaana ay bulshad ugu baaqday in la iska kaashado la’dagaallanka Akhris-Qorista la’aanta.

Agaasimaah guud ee wasaaradda Waxbarashada dowladda Puntland Maxamed cali Faarax oo munaasabadda ka hadlay, ayaa isna ballan-qaaday in wasaaraddu ay mudnaan gaar ah siin doonto waxbarashada gabdhaha oo sida uu sheegay aas’aas u ah waxbarashada carruurta si ay wax u barto ubadkeeda.

Sidoo kale, agaasimaha ayaa sheegay in wasaaradda waxbarashada Puntland ay mamnuucday in ardayda la garaaco ama Waxbarashada lagu dilo, taasi oo uu sheegay in ay dhibaato nafsaaniya u keenayso ardayda, islamarkaana waxbarashad nacsiinayso.

Hoos ka daawo sawirada

PUNTLAND POST