Xilkasnimo la’aanta: Weriyaha leylyoon iyo xaqiisa

Dagaalkii lagu qabsaday dalka Ciraaq waxaa  go,aankiisa gaaray koox kooban oo ka tirsan xisbiga  Jamhuuriga (Republican-ka)  kuwaasi lagu tilmaami jiray dagaal u oomanayaal ( war mongers), kulan qarsoodiya  ka dib waxay go’aan ku gaareen  in weerar lagu ekeeyo dalka Ciraaq. markii kulankoodu soo dhamaaday 15 daqiiqo ka dib wakaallada wararka ee Reuters ayaa shaacisay in dagaal lagu qaadi doono dalka Ciraaq, kulanku waxaa uu ahaa qarsoodi waxaa go’aanka gaaray koox kooban oo saaxiibo ah oo is dhaarsaday oo aan 10 nin ka badanayn, haddana waxaa la yaab noqotay in 15 daqiiqo ka dib  dagaal dhacaya ay shaaciso wakaallad ka mid ah kuwa adduunka ugu af dheer.

Isla markiiba dawladdii George W Bush waxay ku dhawaaqday dagaal  ka dhan ah dalka Ciraaq, iyagoo ogaaday warka ay sheegtay Reuters uu yahay mid dhab ah, waxaa iyana rumaysteen in xogta dagaalka oo xasaasi  ahayd  uu baxshay mid ka mid ah raggii dagaalka go’aamiyey. Weriye laylyoon  ama warfidiyeen taba baran oo lagu canqariyey wadaniyad dal jacayl  iyo inuusan danta dalkiisa waxba ka hor marin waxa ay mar walba isku daaban yihiin siyaasigiisa danta qaranna ay ka midaysan yihiin, hase yeeshee taasi micneheedu ma aha inay wax kasta isku raacsanyihiin, waxay kala aragti ka yihiin wixii danta guud wax u dhimaya oo xaqiiq la taaban karo ku salaysan, waxaana weriyahani leeyahay shaqsiyad ay buux dhaafisay isku kalsooni lagu soo ababiyey inuusan marti u noqon waxaa uu aaminsan yahay.  

Weriyaha leylyoon waa taba bare xambaarsan dhaqankiisa iyo afkiisa iyadoo, inta badan lagu tixgeliyo qorraaladiisa, codkiisa iyo hadba shaqooyinka uu soo bandhigo tayadooda, waxaa inta badan tusaalooyin iyo raad raac ka dhigta jaamacadaha iyo guud ahaan dugsiyada wax barasho,halka idaacadaha iyo teleshinaduna ay si toos ah u xigtaan.

Wariye leylyoon: muxuu xaq u leeyahay?

Waxaa uu xaq u leeyahay inuu dhowro sharaftiisa, shaqsiyadiisa, tayada aqoontiisa iyo in la siiyo taba barro  iyo weliba xirfada ku aadan hadba qaybta saxaafadeed ee markaasi ka shaqaynayo, waxaa iyana intaasi  raacda oo xaq u leeyahay in maamulka uu ka dhex shaqaynayaa uu mar walba tix gelin dheeraad ah siiyo wararkakiisa, faallooyinkiisa iyo weliba baarintaanadda uu sameeyo si xog uu soo badhigay wax loogu qaybsado.

Waxaa iyadana xusid mudan in war-baahinta qaarkeed ay weriyeyaashooda aad u ilaaliyaan nabadgelyadooda, il gaar ahna lagu eego sida uu u nool yihiin maadaama ay dhici karto in mararka qaar ay soo food saari karto arrimo ragaadin kara tayadda shaqadooda.

Waajibka laga rabbo

Weriyaha leylyoon ayaa waxaa waajib ku ah inuu dhowro dhaqanka bulshadiisa mar walbana uu u hogaasanaado sharuucda dalkiisa u taal,waxaa kale oo laga rabaa inuu noqdo shaqsi u adeega bulshada dhowrana shuruucda saxaafadeed, iyadoo uu iska ilaalinayo wax walba oo keeni  kara mad madow  ah inuu dano gaar ah u adeegayo isagoo waliba ka hor imaanaya dantii guud, ama inuu cid gaar ah basaasa  u yahay.

Waxa  iyana waajib ku ah goobaha qaarkood inuusan la geli karin Camera-da sida xeryaha ciidamada xarumaha Booliiska maxkamadaha ,guud ahaan arrimahan oo dhamina waxay ku xusan yihiin xeerarka saxaafadeed ee caalamiga ah, ujeedaduna waxaa weeye in laga fogaado wax kasta oo wax u dhimaya ammaanka qaranka iyo sharafta suxufiga.

Marka la eego weriyaha Soomaaliyeed dalka gudihiisa ku sugan ayaad moodaa in waajibkiisa shaqo ee dalkiisa iyo dadkiisa uu hayo uu marti uga yahay hogaamiyaha kolkaas talada haya, waxayna noqon kartaa laba arrimood midkood, in suxufigu si indha la’aan ah ugu milmo hogaanka markaas jooga oo uu noqdo weriye qalbigu madoobaaday oo wixii la doono lagu shubto iyo inuu noqdo weriye ban joog ah mucaarad aan loo meel deyin maamulka dusha uga tuuro, waxaa suura gal ah inta badan inaysan mucaaradnimadiisu ku salaysney gol daloolooyinka maamuka ee ay ku salaysan tahay sidii musuqmaasuqa uu qayb uga noqon lahaa, waxaana arrimahani meesha ka saareen guud ahaan waajibkii saxaafadeed iyo xaqii dalku lahaa.

Dhankoodana maamullada dalalka soo koraya oo ay Soomaaliya ugu horaysa ayaa qayb ka ah hoos u dhaca hal abuurka iyo barbaarinta saxafiga, iyagoo inta badan awoodda saara inay gacanta ku qabsadaan hadba weriyihii ay u arkaan inuu durbaanka u garaacayo, waxana isla duma oo howl gab isla noqda maamulkii markaas xilligiisu dhamaaday iyo weriye da’ yar oo la rabay inuu mustaqbal ifya ku yeesho bulshadiisa.

Marka la eego maamulka Puntland ayaa moodaa inay kala go’anyihiin saxaafadda waxaana arrintaan lagu saleeyey in madaxdu aysan jeclayn in waraysiyo lala yeesho, waxna laga weydiiyo hadba dhacdooyinka markaasi taagan, iyadoo arrintan gun dhig looga dhigay dawlada oo aaminsan in saxaafaddu ay tahay mid aan tayo lahayn kuna shaqaysa lacag lagu shubto, waxaana tani meesha ka saartay waajibkii dalku labada dhinacba ku lahaa.

Marka arimahan laysu wada geeyo ayaa ah xil-kasnimo la,aan, waxana eedeeda iska leh maamulka oo waajibka loo igmaday ay qayb ka ahayd inay ka shaqeeyaan tayeynta weriyeyaasha iyo ku dhiiri gelinta inay dalkooda u shaqeeyaan waardiyana ka ahaadaan dhibaatooyinka siyaasadeen iyo bulsho ee dhinackasta kaga xeeran.

Dhinacoodana weriyaasha ayaa laga rabaa inay dalkooda ugu shaqeeyaan iskaa wax u qabso iyagoo tooshka ku ifinaya hagardaamooyinka kala duwan ee dhinac kasta jira dalka ,waxaa kale oo laga rabaa inay abaabul iyo kicin u sameeyaan dad weynaha iyagoo ku jahaynaya hadba meeshii ay u arkaan in dayac ka jiro, iyagoo mar walba qalbiga ku haynaya howraartii ahayd (howl kama dale weli waa hogaddii).

Abdirazak Yassin Caanogeel

PUNTLAND POST