Khayre: Haddii aad sidaan ku sii socotaan Adduunyadana waad ku halaagaysan Aakhirana waa la idinku cadaaabin

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre oo shalay khudbad ka jeediyay degaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud ayaa shacabka degaankaasi ku boorriyay in ay dhaqan-geliyaan heshiiskii dhowaan la dhexdhigay bulshada ku nool Xeraale iyo huurshe.

Ra’iisul wasaaraha ayaa shacabka degaanka ugu baaqay in aysan wax dulqaad ah u yeelan cid kasta oo isku dayda in ay dib u soo noolayso colaaddii ragaadisay bulshada wada-degta degaannada Xeraale iyo Huurshe ee gobolkaasi Galgaduud.

Mudane Khayre ayaa sheegay in xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay in ay dadka degaanka ka taageerto dib u soo celinta nabadgelyada iyo ka jawaabidda baahiyaha nololeed ee bulshada degaanka.

Sidoo kale hay’adaha gargaarka iyo horumarinta ee ka hawlgala Soomaaliya ayaa Ra’iisul wasaaruhu ugu baaqay in ay si dhakhso ah uga hawlgalaa degaaannada Huurshe iyo Xeraale ee heshiiska la dhex-dhigay.

Halkan ka daawo khudbadda Ra’iisul wasaaraha

PUNTLAND POST