Ra’iisul wasaare Khayre oo lakulmay ergooyinka shirka Dhuusamareeb.

Mudane Xasan Cali Khayre ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa kulamo la qaatay ergooyinka ka qaybgelaya shirka dibu heshiisiinta maamulka Galmudug oo laga daahfuri doono magaalada Dhuusamareeb.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in kulamada Ra’iisul Wasaaraha looga hadli mdoono dardar-gelinta Galmudug mideysan oo loo dhan yahay.

Dhanka kalena, ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa waxa uu xalay kulamo la qaatay qaar kamid ah bulshada kunool magaalada Dhuusamreeb ee xarunta maamulka Galmudug.

DAAWO

PUNTLANDPOST