Puntland oo ganacsatada Taleex u balan-qaaday lacagihii kaga baxay xarumaha dowliga ah oo Somaliland bixin weydey

Xukuumaddda Puntland ayaa balan-qaaday inay la wareegi doonto dhismayaal ku yaal degmada Taleex ee gobolka Sool si ay ugu qabato adeegyada bulshada degmadaasi iyo deegaamada hoos yimaada.

Dhismayaasha dowladda hoose, saldhigga magaalada iyo xarumo kale oo ay dhaqaalohooda ku dhiseen ganacsato u dhalatay deegaanka oo balan-qaad ka haystay maamulka Somaliland ayaa waxa ay Puntland u heshay fursad ay kula wareegto kadib markii maamulka Somaliland ka baxay balan-qaadkii hore.

Duqa degmada Taleex Iimaan Cali Shire ayaa u sheegay Puntland Post in xarumahaasi ay dhiseen ganacsato reer Taleex ah kadib markii maamulka Hargaysa uu u balan-qaaday inuu lacagta kaga baxda siin doono haseyeeshee uu uga baxay.

Guddoomiye Iimaan ayaa sheegay in Puntland ay hadda u soo jeensatey degmada Taleex ayna ganacsatadu soo dhoweeyeen in lacagtii kaga baxday ay ka qaataan xukuumadda Puntland ayna noqdaan goobo loogu adeego shacabka.

Dhanka kalena, bulshada Taleex ayaa si weyn u soo dhoweysey dhismaha waddo laami ah oo isku xiraysa Taleex iyo laamiga gobolada Waqooyi uga baxa Garoowe taasi oo uu horay u dhagax dhigay madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiwali Gaas, haseyeeshee uu dhismeheeda balan-qaaday Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

PUNTLAND POST