Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa kulan Muqdisho kula qaatay wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan.
Qoraal lagu daabacay bogga wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wasiir Cawad iyo wakiilka Qaramada Midoobay ay kulankooda uga wada-hadleen iskaashiga u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey si loogu adeego Soomaalida ayna isla fallanqeeyeen xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda iyo nabadgelyada dalka.
Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya uu markale ku celiyay taageerada dalkiisu u hayo dadaallada Wakiilka Qaramada Midoobay iyo qorshaha howlgalka UNSOM.
PUNTLAND POST