Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Xuseen Cismaan Lugatuur oo maanta shir jaraa’id ku qabtay maalada Badhan ayaa ka hadlay warar qaar kamid ah warbaahinta Soomaalida ka qortay garoonka diyaaradaha Qardho iyo sidoo kale shaqaale dhawaan Somaliland shaqo joojin ku sameysay.
Wasiir Lugatuur ayaa beeniyay in garoonka diyaaradaha Qardho laga dajiyay hub, wuxuuna tilmaamay in garoomada diyaaradaha Puntland yihiin kuwo laysku halayn karo oo maamul wanaagsan leh.
Sidoo kale wasiirka ayaa xusay in intii ay diyaarada Ethiopian Airlines duulimaadka ka bilowday Puntland ay cadow yeesheen garoomada diyaaradaha Puntland.
Dhanka kale Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland ayaa sheegay in ay shaqo siinayaan 42 shaqaale ah oo ka shaqaynayay garoonka diyaaradaha Hargeysa, kuwaas oo dhawaan Somaliland ku sameysay shoqo joojin, markii hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan duulumaadka hawada ee ICAO ku wareejisay dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasiir Lugatuur ayaa dowladda Federaalka iyo ICAO ka codsaday in shaqaalahaas ay u soo wareejiyaan Puntland oo sheegay in ay u heyso mid ka wanaagsan shaqadoodii hore.
Hoos ka daawo shirka j. ee wasiirka
PUNTLAND POST