Wafdi uu hor-kacayo Khayre oo ku wajahan Xarunta Galmudug ee Dhuusa-mareeb

Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul wasaaraha Somalia, Xasan Cali kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inay maanta gaaraan Dhuusa-mareeb oo ah Xarunta rasmiga ah ee dowlad-goboleedka Galmudug.

Socdaalka Khayre ayaa lagu sheegay inuu yahay fulinta heshiiskii dowladda Federaalka iyo Ahlusunna oo looga maarmi waayay RW Kheyre,  si loo dhameystiro heshiiskaas, kaasoo ay hawshiisa horay u sii wadeen xubno ka tirsan xukuumadda Somalia.

Amniga guud ee Dhuusa-mareeb ayaa aad loo adkeeyay, waxaana ku sugan ciidammo ka tirsan kuwa DF oo isugu jira millateri iyo boolis iyo ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo dhawaan la geeyay.

Dhanka kale, Waxaa magaalada laga dareemayaa qaban-qaabo lagu soo dhaweynayo wafdiga Khayre, waxaana wararku sheegayaa in ciidammada DF ay baaritaanno ku sameynayaan gaadiidka dhex-maraya waddooyinka muhiimka ah ee magaaladaas.

Sidoo kale, Socdaalka Khayre ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo Muqdisho uu shalay kulammo kula qaatay xubno ka tirsan mucaaradka xukuumadda uu hoggaaminayo, kuwaasoo kasoo jeeda deegaannada Galmudug.

Kulankaas ayaa lagu sheegay in loo hadlay xoojinta amniga guud ee dalka iyo sidii gacan looga wada-geysan lahaa dhismaha Galmudug cusub oo u horseedda shacabka ku nool deegaannadaas nabad iyo xasillooni waarta.

Xubnaha uu Khayre shalay la kulmay ayaa waxaa ka mid ah; Mahad Salaad, C/raxmaan Odawaa oo u sharraxan xilka madaxweynaha Galmudug, Axmed Macallin Fiqi oo si weyn u dhaliila DF iyo xubno kale oo muhiim ah.

Ugu dambeyn, Ahlusunna iyo Dowladda Somalia ayaa waxay dhawaan heshis ku gaareen in la dhiso maamul Galmudug mideeya, iyadoo Dhuusa-mareeb uu dhawaan ka furmayo shir dib u heshiisiineeda oo xudun u noqon doona dhismaha Galmudug-ta cusub.

PUNTLAND POST