ciidamada Xoogga dalka oo Al-shabaab kala wareegay degaanno horleh

Wararka ka imaanaya soohdinta u dhexaysa gobollada Shabeellooyinka ayaa sheegaya in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay Al-shabaab kala wareegeen degaanno halkaasi ku yaalla.

Ciidamada ayaa hawlgallo ay sameeyeen waxay Al-shabaab kala wareegeen degaannada Kaxarey iyo Busley oo ku yaalla soohdinta u dhexaysa labada gobol ee Shabeellaha hoose iyo Shabeellaha dhexe sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Xoogga dalka.

Sarkaal ka tirsan ciidamada halkaasi gaaray oo lagu magacaabo Col. Cali Cabdullaahi Caraaye ayaa warbaahinta dowladda Soomaaliya ka soo xigatay in ay la wareegeen tuulooyinka Kaxarey iyo Busley islamarkaana ay sii wadi doonaan hawlgallada lagu baacsanayo Al-shabaab. Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidamadu ay gaadiid dagaal ka gubeen Al-shabaab.

PUNTLAND POST