Wasiir sheegay in Dowlada Soomaaliya aysan shacabka ka difaaci karin Al-shabaab

Muqdisho (PP) ─ Wasiirka Maaliyadda Somalia, C/raxmaan Ducaale Bayle oo u warramayay wargeyska Washington Post ayaa sheega in DF aysan wax ka qaban karin dhibaatooyinka ay Al-shabaab ku hayso shacabka Soomaaliyeed.

Bayle ayaa sheegay in Somalia ay xilligan ka jirto cabsi weyn, isagoo xusay in kooxaha Al-shabaab canshuuraha ka qaada ganacsatada aysan DF waxba ka qaban karin, iyaguna ay si nabad-galyo ah isaga dhex mushaaxaan dalka gudihiisa.

“Somalia waxaa ka jira cabsi weyn,” ayuu yiri wasiirka oo u wargeyska hadal siinayay, wuxuuna intaas ku daray. “Dowladda Somalia ma lahan awood ay uga joojiso Al-shabaab inay dhaqaale ka qaataan ganacsatada Soomaaliyeed.”

Al-shabaab ayaa waxay dhawaan ganacsatada Soomaaliyeed ku qasabtay in ay bixiyaan lacago canshuur ah, iyadoo ganacatada looga digay haddii ay bixin waayaan lacagtaas laga qaadi doono tallaabo aan la sheegin cawaaqibka ka dhalan doona.

Wasiirka ayaa wuxuu hadalkiisa ku daray in Al-shabaab aysan shacabka ka duwanayn, isla markaana aan laga dhex aqoonsan karin shacabka, taasna ay tahay dhibaatada ugu weyn ee ay ka geysanayaan dalka.

Dhanka kale, Wareysigan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli dhawaan uu wargeysku daabacay in Al-shabaab ay si toos ah lacago uga qaadaan cid walba oo ay doonayaan, gaar ahaan ganacsatada si ay hawlahooda ugu sii wataan.

Ururka Al-shabaab ayuu wageysku sheegay inay dhaqaalaha ku helaan dhawr ha boo kala duwan, kuwaasoo ay ka mid yihiin in si toos ah loogu geeyo, in loogu gudbiyo bangiyo, xawaalado ama lacgaha taleefoonnada la isaga diro.

Hadalka Wasiirka Maaliyadda Somalia ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli Al-shabaaba ay dhawaan sheegtay ku qasabtay ganacatada Soomaaliyeed inay lacago canshuur ah siiyaan inta aysan alaabooyinkooda kasoo bixin dekedda Muqdisho, taasoo dhaqan gashay.

Ugu dambeyn, Wareysiga uu biiyay wasiir Bayle ayaa noqonaya markii ugu horreysay oo ay Dowladda Federaalka Somalia qirato inaysan Al-shabaab ka difaaci karin shacabka Soomaaliyeed, dowladduna ay shacabka ka rabto inay canshuur bixiyaan.

PUNTLAND POST