Miyaa la musuqmaasuqay qoondadii Xajka Puntland?

Xujey ka soo degtay Garowe

Waxay ahayd tiradii Sucuudigu u qoondeeyay Soomaaliya sanadkan 2019 in ay soo gutaan faralka Xajka 11,500 (Kow iyo toban kun iyo shan boqol) oo qof.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayay ahayd cidii maamulaysay qoondaynta iyo kala saarida shirkadihii bixinayay adeega Xajka.

Puntland oo qoondo dhan 2,200 oo qof ka heshay tiradii loo ogolaaday in ay ka soo xajiyaan gudaha Soomaalida ee 11,500, waxaa acmaasha Xajka soo gutay oo kaliya 400 oo qof.

126 ka mid ah ayaa shalay oo Jamce ahayd ka soo degay garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe.

Qaar ka mid ah xaajiyadaas oo warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka ayaa dowladda Puntland iyo Federaalka-ba ka dalbaday in ay jawaab deg deg ah ka bixiyaan meesha ay aaday qoondadii Puntland ee lagu sheegay 2,200 oo qof.

Sidoo kale waxaa gudaha garoonka ka hadlay mid ka mid ah dadkii uu seegay xajku sanadkan, wuxuuna ku baaqay in arrimahan hadda kadib wax laga badalo.

Dad badan oo reer Puntland ah oo isu diyaariyay gudashada waajibaadka Xajka ayuu sanadkan seegay, markii ay waayeen fiisaha Xajka.

Puntland oo ahayd cidda masuuliyadda kowaad ka saarnayd arrintan, ayaa ka hadalkeeda waxaa ugu dambeysay 7-dii bishii May, markii Wasiirka Caddaalada, iyo arrimaha Diinta Cawil Sheekh Xaamid uu dowladda Federaalka ka dalbaday qoondadii Puntland, sidoo kale uu ka hor yimid Guddigii loo magacaabay arrimaha Xajka.

Balse wixii xiligaas ka dambeeyay waxaa muuqatay in Puntland ku qacansan tahay sida ay u socdeen arrimaha Xajka.

Warbaahinta PUNTLAND POST oo isku day-day in ay arrimahan wax ka weydiiso madaxda Wasaarada Cadaalada iyo Arrimaha Diinta Puntland, wali uma suurta galin, balse xiliga ugu horreeya oo aan helno ayaan wax ka weydiin doonaa.

Soomaaliya labadii sano ee dambeysay waxaa arrimaha Xajka hareeyey musuqmaasuq iyo is-qab-qabsi.

PUNTLAND POST