Maxaa kajira in diyaarad hub sidda ka degtey garoonka Qardho

Saacadihii ugu dambeeyey waxaa laysla dhex marayey in diyaarad laga leeyahay oo hub siddey ay ka degtey garoonka diyaaradaha magaalada Qardho ee caasimadda gobolka Karkaar.

Haddaba dowladda Puntland ayaa beenisey in ay jirto diyaarad hub ka dejisey garoonka Qardho ayna warkaasi ka dambeeyeen koox been abuurayaal ah.

Taliyaha ciidanka garoonka diyaaradaha ee magaalada Qardho Sharma’arke Ismaaciil Mire oo waraysi siiyey mid kamid ah Idaacadaha maxaliga ah ayaa sheegay inuusan jirin wax hub ah oo Qardho laga dejiyey.

Taliyaha ayaa waraysigiisa ku sheegay in diyaaraddu ay ka mid ahayd duulimaadyadii caadig ahaa ee Puntland isla markaana uusan jirin wax hub ah oo Puntland qabatay ama laga soo dejiyey.

PUNTLANDPOST