Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka hadlay Tallaabada ugu horreysa ee uu qaadi doono

Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Cumar Maxamed Maxamuud [Filish], ayaa ka hadlay tallaabada ugu horreysa ee uu qaadi doono, taasoo ay soo dhaweeyeen inta badan shacabka ku nool magaalada Muqdisho.

Cumar Filish ayaa sheegay in tallaabooyin amni oo xoog leh ay qaadayaan, ayna ka go’an taha inay furaan waddooyinka kala xiran ee Muqdisho oo ay shacabku ku qabeen dhibaatooyinka bilooyinkii lasoo dhaafay.

Magaalada Muqdisho ayaa kala xiran, iyadoo qaybo ka mid ah waddooyinka muhiimka u ah isku socodka shacabka lagu xiray dhagax culus, kuwaasoo la sheegay in looga hor-tagayo qaraxyo ka dhaca magaalada.

“Innagu ma aqbalayno in cadowgu ay maalin walba dilaan hal-doorkeenna iyo shacabka aan waxba galabsan, lamana joojin doono tallaabo walba oo looga hortagayo falalkooda, balse waxaa naga go’an inaan magaalada isku furno,” ayuu yiri Cumar Filish.

Sidoo kale, Hadalkan ayaa  waxaa soo dhaweeyay shacabka caasimadda ku nool, iyagoo hadlaka guddoomiyaha cusub uu ka jeediyay xafladdii xilka uu kual wareegayay uu ka sheegay uu yahay mid ay ku farxeen. maadaama ay shaqooyinkooda iyo deegaannadooda u kala raacaan maalin walba gaadiid kala duwan.

“Waxaan hortiinna ka ballan-qaadaynaa in sugidda amniga ay noqoto midda ugu muhiimsan ee maamulkaygu uu kala shaqeyn doono laamaha amniga dalka, si looga hortago fal walba oo waxyeello u geysan kara shacabka ku nool caasimadda,” ayuu hadalkiisa ku yiri Duqa cusub ee Muqdisho.

Dhanka kale, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa carrabka ku adkeeyay in markii ay jidadka furaan ay ka shaqeyn dooaan sidii shacabka iyo weliba goobaha amniga ee Xamar ay u heli lahaayeen ammaan buuxa, si ay u wataan hawlahooda shaqo.

Ugu dambeyn, Magaalada Muqdisho ayaa kala xirnayd bilooyinkii aynu kasoo gudubnay, waxaaan weli ka dhaca qabo ka mid ah caasimadda Qaraxyo ay mas’uuiyaddooda sheegato Al-shabaab, iyadoo laga war-sugayo tallaabada uu qaado maamulka cusub.

PUNTLAND POST