Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir oo Kormeeray Xafiisyada Dowlada Hoose, Xamar

Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa kormeer ku tagey xafiisyada kala duwan ee ku shaqeeyo Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dawladda Hoose ee Xamar.

Kormeerka Guddoomiyaha ayaa ujeedkiisu ahaa mid uu ugu kuur galayey qaabka ay u shaqeeyaan xafiisayada iyo saraakiisha xafiisyaduba, isagoo ammaanay hannaanka shaqo ee qeybaha kala duwan ee kormeerka uu ku sameeyey.

Guddoomiye Filish ayaa warbixino la xiriirta howlmaalmeedka ay bulshada u hayaan ka dhageystay maamulka dhinacyadii uu la kulmay, isagoo kula dar-daarmay in lasii xoojiyo adeegyada shacabka loo hayo.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta soo booqday xarumaha kala duwan ee Dowladda Hoose iyo maamulka gobolka banaadir oo igu soo dhaweeyeen maamulka iyo shaqaalaha, waxaana rajeynayaa in dhowaan aan guda gali doono shaqooyinka muhiimka ah ee ina hor-yaalla,” ayuu yiri Cumar Filish.

Sidoo kale, kulankan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo dhawaan la baajiyay xaflad uu xilka kula wareegi lahaa guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir, kaddib markii la sheegay in cabsi dhanka amniga ah la dareemay, waxaana la xiray xubno ka tirsan shaqaalaha gobolka Banaadir.

Dhanka kale, Guddoomiyaha cusub ayaan sheegin xilliga la qaban doono xafladda lagu caleemo-saarayo, iyadoo cabsi weyn ay jirto xilligaan, waxaana laga baqdin qabaa inay dhacdo dhacdo la mid ah middii lagu dilay guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, C/raxmaan Yariisow.

Ugu dambeyn, Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa waxaa kormeerka ku weheliyey Guddoomiye ku-xigeennada Maamulka iyo Xoghayaha Gobolka.

PUNTLAND POST