Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo loo arkayay in uu ka huleelay Galmudug, kadib heshiiskii uu la galay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u soo rogaal celiyey.
Xaaf oo muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho, ayaa maanta ka degay degmada Hubyo ee gobolka Mudug, oo ka socdo shir beeleed dib u heshiisiin ah, oo ka madax bannaan dowladda Federaalka Soomaaliya.
Xaaf ayaa markii uu ka degay Hobyo, soo saaray war-saxaafadeed ku taariikhaysan 22-kii bishan oo ku taageerayo doorashadii madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxmamed Islaam (Axmed Madoobe) oo hadda laga joogo todobaad.
Madaxweyne Xaaf ayaa ugu baaqay Jubbaland iyo dawladda Federaalka Soomaaliya in ay ka wada shaqeeyaan sidii loo xalin lahaa khilaafka ka dhexeeya, dibna u soo celiyaan wada shaqeyntoodii.
Bishii July 4-teedii ee sanadkan ayay ahayd markii, Axmed Ducaale Geelle Xaaf sheegay in uu Geeddi-socodka dib u-heshiisiinta iyo doorashooyinka Galmudug u wakiishay Wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dib u-heshiisiinta, waxaa ka horeeyay hadalka Xaaf heshiis uu Cadaado kula galay Ra’iisul Wasaare Kheyre, ilaa xilligaasna wuxuu ka ag-dhawaa madaxda Federaalka.
Balse hadda waxaa muuqada in khilaaf soo kala dhexgalay Xaaf iyo dowladda Federaalka oo doonaysa in ay Galmudug madax uga dhigto dad taageero u ah.
Arrintan waxay ku soo aadaysa, iyadoo shalay Ahlu-sunna Waljamaaca sheegtay inuu gebi ahaanba buray heshiiskii u dhexeeyay iyaga iyo xukuumadda Federaalka Soomaaliya, halka federaalku sheegay in Ahlu-sunna ka baxday heshiiskii labada dhinac.
Sidoo kale Xaaf iyo Ahlu-sunna ayaa horey khilaaf uga dhexeeyay, balse hadda lama oga waxa ka dhexeeya, waxayse u muuqataa in Xaaf uu dib ula midoobayo saaxiibadiis Puntland iyo Jubbaland.
Xaaladda Galmudug ayaa u muuqata mid maalinba maalinta ka dambeysa ka sii dareysa, waxaana ragaadiyay khilaaf siyaasadeed oo la aaminsan yahay in ay ku lug leeyihiin dalal shisheeye.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.