Dowladda Federaalka oo Ahlu-sunna ku eedaysay in ay ka baxday Heshiiskii labada dhinac

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-hishiisiinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo xalay magaalada Dhuusamareeb ka hadlayey ayaa sheegay in Ahlu-sunna ay burisay Heshiiskii ay la gashay dowladda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa soo bandhigay nuqul kamid ah Heshiiskii labada dhinac isagoo oo warbaahinta ka akhriyay qodobada ku qoran waxaana uu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku taagantahay qodobadaasi balse Ahlu-sunna ka baxday.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmay xilli shalay Hoggaanka sare ee Ahlu-sunna ay ku dhawaaqeen in uu gebi ahaanba burburay heshiiskii u dhexeeyay iyaga iyo xukuumadda Federaalka Soomaaliya kadib markii sida ay sheegeen xukuumaddu ka baxday.

Halkaan hoose ka daawo hadalkiisa

PUNTLAND POST