Ra’iisul Wasaare Khayre oo la sheegay inuu ku wajahan yahay Degmada Dhuusa-mareeb

Muqdisho (PP) ─ Warar la helayo ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ay maanta ku wajahan yihiin magaalada Dhuusa-mareeb ee xarujnta maamulka Galmudug.

Safarka Khayre ayaa la sheegay inuu salka ku hayo sidii uu halkaas uga furi lahaa maanta shirka dib u heshiisiinta Galmudug, kaasoo ay ka qayb-galayaan waxgarad iyo siyaasiyiin ka socda beelaha ku nool Galmudug.

Magaalada Dhuusa-mareeb ayaa shalay la geeyay ciidammo fara badan oo ka tirsan kuwa Dowladda Somalia, waxaana taasi ay dhalisay in shir deg-deg ah ay isugu yimaadaan mas’uuliyiinta Ahlusunna Waljamaaca, inkastoo la isku khilaafay shirkaas.

Xubno ka tirsan Ahlusunna ayaa la sheegay inay soo jeediyeen ni shirka laga furayo Dhuusa-mareeb la taageero, halka kuwo kalena ay kasoo horjeesteen shirkaas, ayna ku tilmaameen mid la doonayo in lagu dhabar-jabiyo Ururka Ahlusunna Waljamaaca.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa horay u tagay Deegaannada ay ka kooban tahay Galmudug, isagoo kulammo kala duwan lasoo qaatay waxgaradka iyo siyaasiyiinta Galmudug, kalana hadlday in la dhiso maamul loo dhan yahay oo ay yeelato Galmudug.

Magaalada Dhuusa-mareeb ayaa waxaa ka socda saakay qaban-qaabo weyn sida ay sheegeen shacabka ku nool degmadaas, taasoo lagu soo dhaweynayo wafdiga uu hoggaaminayo RW Khayre, isla markaana lagu furayo shirka dib u heshiisiinta Galmudug.

Ugu dambeyn, Shirkan ka furmaya Dhuusa-mareeb ayaa kusoo beegmaya iyadoo shir kale uu ka furan yahay degmada Hobyo ee gobolka Mudug, kaas oo ay ka qayb-galayaan xubno kasoo jeeda Galmudug, si heshiis loogu gaaro.

PUNTLAND POST