Ururka Iskaashiga Islaamka OIC oo Taageero dhxal-gal ah u muujiyay Dowladda Jabuuti

Muqdisho (PP) ─ Ururka iskaashiga islaamka [OIC], ayaa u ballan-qaaday dowladda Jabuuti inay ku taageeri doonaan kursiga aan joogtada ahayn ee golaha amaanka ee Qaramada Midoobay.

Warbixin uu soo saaray ururka ayuu dalalka Islaamka ee xubnaha ka ah ugu baaqay inay garab-is-taagaan Dowladda Jabuuti oo tartan ugu jirta kursiga aan joogtada ahayn ee golaha amaanka.

Sidoo kale, Dowladda Kenya oo Jabuuti kula tartameysa kursigan ayaa ka heshay taageero inta badan waddamada Midowga Afrika, kaddib markii loo qaaday cod ku aaddan ka mid noqoshada Golaha Ammaanka ee QM.

Jabuuti iyo Kenya ayaa waxay ku tartami doonaan codadka waddamada ku yaalla Latin America, maadaama dalalka Yurub ay intooda badan Kenya u muujiyeen inay ku taageerayaan sidii ay ugu fariisan lahayd kursigaas.

Dalalka Mareykanka, Shiinaha iyo Jabbaan ayaa taageeray dowladda Jabuuti maaddaama ay saldhig milatari ku leeyihiin, waxaana tani ay ka dhigaysaa loolanka ay Jabuuti ugu jirto kursigaas mid u fududeyn kara.

Waddamada ku jira OIC ayaa ka kooban 57 dowladood, waxaaan intaas u dheer dalalka reer galbeedka qaarkood sida; Faransiiska, Jarmalka iyo kuwo kale oo ay Jabuuti saaxiib la tahay.

Xukuumadda Kenya ayaa waxay dadaal badan ku bixisay sidii ay codka uga heli lahayd dalalka ku dhaw, waxaana madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ku tagay booqasho dalal badan oo uu ka rajeynayo in codka kalsoonida uu ka helo.

Dhanka kale, Labada dal ayaa kursigan ku tartami doona bisha September ee soo socota, markaasoo uu furamyo Shirweynaha Qaramada Midoobay kaasoo ay ka qayb-geli dooanan dalalka caalamka oo dhan.

Ururka Midowga Afrika ayaa 21-kii bishan ugu codeeyay Kenya inay kursigan ku matasho Qaaradda Afrika, balse Jabuuti ayaa sheegtay inaanay weli ka tanaasulin kursigaas, isla markaana ay ku tartami doono marka uu furmo fadhiga guud ee QM.

Ugu dambeyn, Safiirka Jabuuti ee QM, Maxamed Siciid Ducaale ayaa xusay in kursigaas uu dhex-yaallo codka 193-ka dal ee ku jira Qaramada Midoobay Dowladda Jabuutina ay halkaas ku tartami doono.

PUNTLAND POST