Safaaradda Somalia ee Cumaan oo warbixin kasoo saartay Geeridii Xasan M. Siyaad Barre

Muqdisho (PP) ─ Danjiraha Somalia ee dalka Cumaan Danjire, C/weli Cali Axmed ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Ambassador Xasan Maxamed Siyaad oo hore u soo noqday  Safiirka Soomaaliya ee Cumaan.

Safiirka ayaa ku sifeeyay marxuumka qof wax badan u soo qabtay Qaranka, si gaar ah waxa uu ku amaanay shaqadii wanaagsaneyd ee uu ka qabtay Safaaradda Somalia ee Cumaan.

“Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Cumaan iyo Xukuumada wadankaasiba wey ka murugootay geerida Safiirkeenii qaaliga ahaa, waxaan Alle uga baryeynaa inuu janadiisa ka waraabiyo, Wuxuu ahaa qof baal dahaba ka geli doona howshii uu Wadanka u soo qabtay,” ayuu yiri Danjire C/weli.

Sidoo kale, Wuxuu tacsi u diray qoyskii iyo qarankii uu ka baxay marxuum Xasan Maxamed Siyaad Barre, isagoo ALLE uga baryay inuu Jannadiisa ku galadeysto.

“Waxaan murugada ay dareemayaan la qeyb saneynaa ilmihii, hooyooyinkii iyo qoysaskii uu ka baxay danjire Xasan Maxamed Siyaad, si gaar ah waxaan ugu tacsiyadeynayaa reer Maxamed Siyaad Barre sida; Maslax, Ayaanle, Ijaabo, Hodon, Diiriye, iyo Cosob,” ayuu danjiruhu hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn,  Danjire Xasan Maxamed Siyaad Barre oo dhashay Sanadii 1950-kii ayaa Khamiis lasoo dhaafay ku geeriyooday magaalada Masqad ee caasimadda dalka oo uu ku noolaa xilliyadii danbe, isagoo soo maamulay safaarada Somalia ee dalkaas intii u dhexeysay Sanadiihii 2004-tii – 2015-tii.

PUNTLAND POST