Fahad iyo Odawaa oo la dalacsiiyey iyo Indha-qarshe, Ameerika iyo Goobe oo xilalkii laga qaaday

Muqdisho (PP) ─ Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta isbedel ballaaran ku sameeyay taliyeyaasha ciidamada dalka, waxaana xilalka laga qaaday dhawr taliye, halka kuwo kalena loo adkeeyay boosaskooda.

Fahad Yaasiin Xaaji Aadan ayaa loo magacaabay taliyaha hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda Soomaaliya, halkaasoo uu muddo hal sano ah ku xigeen ka ahaa, iyadoo aanay jirin taliye loo magacaabay muddadaas.

Sidoo kale, Cabdi Xasan Maxamed Xajar ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidamada Booliska, waxaana xilkan laga qaaday Jen, Ameerika, iyadoo la sheegay in tani ay qayb ka tahay is-beddelka amni ee dalka.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa loo magacabay, Jen. Odowaa Yuusuf Raage oo horay u ahaa ku xigeenka ciidamada xoogga dalka, iyadoo xilkan laga qaaday Jen. Daahir Aadan Cilmi [Indha-Qarshe].

Waxaa sidoo kale xilka taliyaha ciidamada Asluubta loo magacaabay, Mahad C/raxmaan Aadan, iyadoo xilka laga qaaday Jen. Bashiir Maxamed Jaamac oo loo yaqaan [Jen. Bashiir Goobbe] oo sannad ka badan xilkan hayay.

Taliyaha cusub ee ciidamada Asluubta ayaa waxaa horay uu u ahaa taliyaha ciidamada booliiiska maamulka Koonfur-galbeed, iyadoo magacaabiddiisa la sheegay inay ku timid saami-qaybsi dhanka taliska ciidamada ah.

Ugu dambeyn, Taliyeyaashan la magacaabay ayaa waxaa soo jeediyay in loo magacaabo xilalkan, wasaaradaha; Amniga, Gaashaandhigga, Arrimaha Gudaha iyo Caaaladda, waaxana taliyaha ciidamada XDS uu noqonayaa midkii shanaad oo loo magacaabo xilkan tan iyo markii uu Farmaajo noqday madaxweynaha Soomaaliya.

PUNTLAND POST