Wararka ka imaanaya degmada Hadaaftimo ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in halkaasi uu hadda ka socdo dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo Somaliland.
Dagaalka ayaa sida dadka degaanku sheegayan wuxuu bilowday kadib markii cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland ay weerar ku qaadeen wefdi oo hoggaaminayo guddoomiyaha Somaliland u qaabilsan gobolka ay u bixisay Badhan oo ah qeyba kamid ah gobolka Sanaag.
Waxa adag in xog sugan laga helayo khasaaraha ka dhashay dagaalka oo weli ka socda nawaaxiga degmada Hadaaftimo.
PUNTLAND POST