Waa imisa lacagta Qadar ku maal-galinayso dekadda Hobyo?

Shir jaraa’id oo maanta Muqdisho si wada jira ugu qabteen wasiirrada dekadaha Soomaaliya iyo Qatar Maryam Aweys Jaamac iyo Jassim Bin Saif Ahmed Al Sulaiti waxay ku shaaciyeen in ay billaamanayso dhismaha dekadda Hobyo ee gobolka Mudug.

Wasiirka dekadaha Qatar ayaa sheegay in dekadda Hobyo loo dhisayo habka ugu casrisan ee dekad loo dhiso, laga billaabo maantana laga howl gelayo qorshaha dhismaheeda, si shacabka Soomaaliyeed ay uga faa’iideystaan.

Wasiirka dekadaha xukuumadda federaalka Soomaaliya Marwo Maryam Aweys Jaamac ayaa caddeysay in billaabidda dhismaha dekadda Hobyo ay muhiim u tahay shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed iyo horumairnta dhaqaalaha dalka.

Dowladda Qadar ayaa dekadda Hobyo ku maal-galinaysa lacag dhan 174 milyan oo doollar.

Munaasabadii lagu shaacinayay dhismaha dekeda Hobyo, waxaa goob-joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, wasiirka arrimaha dibadda Qatar, madaxweynaha Galmudug, qaar kamid xildhibaannada labada Gole iyo wasiirro iyo wasiirro ku-xigeenno ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Horraantii bishii Decembar ee sannadkii 2018 ayaa dowladaha Soomaaliya iyo Qatar waxa ay magaalada Dooxa ku kala saxiixdeen heshiisyo horumarineed oo ay kamid tahay dhismaha dekadda Hobyo.

PUNTLAND POST