Madaxweynaha Puntland oo Dalacsiiyey Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Booliska Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xeer Madaxweyne Lr-61, Ogoosto 19, 2019 ku dalacsiiyey sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland.
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.
Markuu Tixgeliyey: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawl-karnimadiisa ciidanimo
Wuxuu Xeeriyey:
- Waxaa G/Sare Caydiid Axmed Nuur Siciid loo dalacsiiyey derajada S/Guuto.
Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.
PUNTLAND POST