Maxkamadda Sare ee dowladda Puntland ayaa ku dhawaaqday in markale ay dib u dhigtay xukunka ragga loo haysto in ay ka dambeeyeen kufdigii iyo dilkii loo geystay Caasho Ilyaas Aaden oo ahayd gabar yar oo lagu dilay magaalada Gaalkacyo.
Maxkamadda ayaa maanta mar kale dhegaysatay dacwadaha ay kala qabaan labada dhinac gaar ahaana Qareenada difaacaya kuwa horey dambiga loogu helay qaarkoodna qirtay iyo Xeer Ilaalinta dowladda Puntland.
Ugu dambayntii waxay maxkamaddu saaka shaacisay in ay mar kale 22-ka bishan dhegaysan doonto Gar-maqalka Kiiska islamarkaana ay go’aan ka gaaari doonto.
PUNTLAND POST