Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland Maxamed xareed Faarax ayaa maanta oo Sabtiya ku dhawaaqay in ay hay’adaha Amniga Puntland ku amri doonaan in la soo qabto eedaysane kale oo uu galay kiiskii Caa’isha Ilyaas oo hore saddex nin oo keliya loo xukumay.
Xareed oo duhurnimadii maanta warbaahinta kula hadlay bannaanka hore ee Maxkamadda kadib markii ay soo dhammaatay dhegaysiga Gar-maqalka saddexda xukmane ayaa sheegay in sidoo kale la soo qaban doono eedaysane kale oo mid kamid ah ragga xukman uu sheegay in uu kiiska kula jiray.
Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland waxa uu caddeeyay in markii eedaysanaha la soo qabto laga qaadi doono dheecaanno dabadeedna lala fal-gelin doono dheecaankii marxuumad Caa’isha oo weli la hayo kadibna sidaasi lagu ogaan doon haddii uu Kiiska galay iyo haddii kaleba.
Hoos ka daawo hadalka Xeer Ilaaliyah
PUNTLAND POST