Federaalka oo sheegay in uu san aqoonsan doonin doorashada Jubbaland

Wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u-heshiisiinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan aqoonsan doonin natiija kasta oo ka soo baxda doorashada madaxtinimada Jubbaland.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in liiska odayaasha dhaqanka ee soo xulay xildhibaannada cusub ee Jubbaland aysan waafaqsaneyn diiwaanka rasmiga ah ee wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u-heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dariiq aan sharci ahayn loo maray soo xulista xildhibaannada cusub ee Baarlamanka Jubbaland islamarkaana aysan wasaaraddu aqoonsan doonin natiija kasta oo ka soo baxda doorashada madaxtinimada Jubbaland.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka

PUNTLAND POST