Wararka ka imaanaya gobolka Baay ee ku yaalla Koonfurta Galbeed ee Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka uu dagaal culus ka dhacay degaanka Daynuunaay oo qiyaastii 30KM u jira magaalada Baydhabo.
Dagaalka ayaa sida la sheegayo u dhexeeya ciidamada militariga Soomaaliya oo saldhigyo ku lahaa halkaasi iyo malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo weerar ku qaaday waxaana ka soo baxaya warar is khilaafsan.
Wararku waxay sheegayaan in dagaalka halkaasi ka dhacay oo mudda socday ay Al-shabaab kula wareegtay degaanka Daynuunaay balse markii dambe laga saaray inkastoo aan faahfaahin laga hayn khasaaraha kala gaaray labada dhinac.
Degaanka Daynuunaay ee lagu dagaallamay waa degaan muhiim u ah sugidda Amniga magaalada Baydhabo waxaana dhowr jeer oo hore weerarro ka gaystay Al-shabaab.
PUNTLAND POST