Ciidamada dowladda oo howlgallo ka wada Awdheegle iyo duleedka Tooratoorow.

Wararkii ugu dambeeyey ee Puntlandpost ay saaka ka helayso gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladdu ay howlgallo xoogan ka wadaan deegaamo katirsan gobolkaasi.

Ciidamadaan oo ka shiraacday degmada Awdheegle ayaa shacabka kunool Tooratooraw waxa ay warbaahinta u xaqiijiyeen inay wadaan howlgallo lagu baadi goobayo kooxda Alshabaab oo talis weyn kuleh deegaankaasi.

Mudane Ibraahim Aadan Cali (Najax), guddoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay howlgallo ka fulinayaan deegaanka tooratooroow iyo tuulooyinka ku dhow dhow si ay ciidamada ula wareegaan.

Dhanka kalena, ciidamada DANAB ayaa weli baaritaano waxa ay ka wadaan degmada Awdheegle kadib weerar khasaare xoogan dhaliyey oo Alshabaab ay ku soo qaaday taliska ciidamada ee deegaankaasi.

PUNTLANDPOST