Booliiska Muqdisho oo toogtay dabley dilirabay masuul dowladeed

Taliye xigeenka Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Sakiya Xuseen ayaa sheegtay in ciidanka Booliiska degmada Hawlwadaag ee gobolka Banaadir ay toogasho ku dileen 4 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.

Gen. Sakiya ayaa sheegtay in sidoo kale ciidanku ka hor tageen isku day dil oo xubnaha la toogtay ku doonayeen in ay dilaan mas’uul ka tirsan wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo ay magaciisa ku sheegtay Cabdi Gare.

Balse waxay tilmaantay in ciidanku ay ka hortageen falkaasi oo ay ku lug lahaayeen 4 qof oo mid ay haweeney ahayd islamarkaana dhammaantood Booliisku ay goobta ku toogteen.

PUNTLAND POST